DAAWO: ”Dilka gabadhu wuxuu ka dhex dhacay gurigeeda!” – Qoyskii gabadha la diley ee digsiga lagu ridey oo hadlay

0

(Muqdisho) 02 Juun 2021 – Nafisa Cumar Geelle oo ahayd gabar yar oo 11 jir ahayd ayaa shalay maydkeeda laga helay isaga oo ku dhex jirta digsi weyn oo kuwa inta badan waliimooyinka lagu kariyo ah oo weliba dhex yaalla qolkii ay ku noolayd.

Nin la yiraahdo Xaydar Luqmaan oo sheegay inuu adeer u yahay gabadha ayaa sharaxay sida ay wax u dheceen wuxuuna sheegay inay Nafisa ahayd da’da 2-aad ee qoyskeeda isla markaana ay dhigan jirtey iskuul la yiraahdo As Suhayb oo ku dhow gurigooda oo ku yaalla Madiino oo ay galabtii dhigan jirtey.

Wuxuu sheegay in markii gabadha la waayayey ay wada maqnaayeen labada waalid oo qaraabo salaan aadey, weliba aabbuhu uu jirey Ceel Jaalle, isagoo sheegay in ay hubaan inay wax kasta guriga ka dhex dheceen, balse aysan weli hubin cidda sidan yeeshay oo gabadha dishey kaddibna digsiga ku xirtey iyadoo biraysan oo la xirxirey.

Gabadhan oo la waysanaa muddo labo cishe ah maalintii 3-aadna la helay, kaddib markii la dareemay ur kasoo baxaya qolka ay ku noolayd ayay waalidku sheegeen inay la yaabban yihiin sida xilligaa yar loogu fuliyey dilka gabadha iyadoo uu kiisku haatan gacanta ugu jiro CID-da.

Ninka hadlay ayaa sheegay in aan gabadha la baarin maadaama ay ku sugnayd xaalad naxdin badan, balse wuxuu ku dooday inuusan jirin khilaaf ka dhexeeyey waalidka oo ay CID-du su’aalo waydiiyeen balse aan la xirin.

”Ilmaha….Ilmaha…Ilmaha, maxaad ilmaha maxaad ilmaha u dhashay haddii aadan xannaanadooda ka war haynin?!” ayuu dadka waydiiyey ninka hadlay, taasoo ah su’aal tuhun hor leh abuuraysa.

Hadalsame Media