Turkiga oo dadka ka imanaya dhowr dal kusoo rogaya karaantiil 14-maalmood ah & xog muhim ah (Somalia maku jirtaa?)

0

(Istanbul) 02 Juun 2021 – Xilli uu bilaabmayo tamashlihii xagaagu, waxay Turkigu hirgelinayaan xadidaado cusub oo khusayn doona rakaabka uga imanaya dunida si ay u xakameeyaan faafaha COVID-19 ee dunida kurbeeyey.

Waxaa tillaabooyinka cusub ka mid ah in rakaabyada ka imanaya dalalka Afghanistan, Bangladesh, Brazil, South Africa, India, Nepal, Pakistan iyo Sri Lanka la karaantiili doono muddo 14 maalmood ah iyadoo la gaynayo meelo ay u cayimi doonaan dowladaha hoose ee meelaha ay tegayaan, sida ay sheegtay Turkish Airlines.

Qofkii dalalkaa joogey 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa sidoo kale laga doonayaa inuu la yimaado baaris PCR ah oo la qaaday 72 saacadood kahor xilligii safarka.

Xayiraadihii saarnaa Brazil iyo South Africa ayaa la qaaday 1-da Juun (shalay). Rakaabka ka imanaya UK, Iran, Masar iyo Singapore ayaa looga baahan yahay PCR negative ah oo la qaaday 72-kii saacadood ee ugu dambeeyey kahor soo gelidooda.

Rakaabka dalalka kale loogama baahna PCR diidooleey ah mana xitaa la karaantiilayo haddii la tallaalay ugu yaraan 14 maalmood safarka kahor, ama haddii uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee ay deeto kasoo kabteen 6-dii bilood ee ugu dambeeyey.

Haddii kale waa PCR, iyadoo ay Somalia soo geleyso dalalkan.

Hadalsame Media