Xamaas oo kusoo baxday ”cudud cusub” oo u babac dhigtay Israel (Sida ay ugu suuragashay inay hubkaa hesho si hufanna u adeegsato)

0

(Gaza) 30 Maajo 2021 – Todobaad kaddib duqaymihii Gaza ee xabbad joojinta ku dhamaaday, labada dhinacba waxay sheeganayaan guul, waxaana yara yaab leh in dagaalkii 4-aad ee ay Israel ku qaadday Marinka Gaza uu bareejo u qaab egyahay marka loo eego 3-dii kale oo dhacay muddo 13 bilood ah.

Tusaale, dagaalkan oo dhacay muddo 11 maalmood ah. Xamaas waxay tuurtay 4,360 oo gantaal iyo bambo oo ku lid ah Israeli, gaar ahaan Tel Aviv, Ashkalon iyo degaanada ku xeeran. Waxay dileen 12 qofood – hal askari iyo 11 rayid ah oo Israeli ah.

Xamaas ayaa markii ugu horreeysey ku guulaysatey inay 25% ka tirsan shacabka Israel ay cabsi dareemaan oo ay dhufaysyo-dhuleed galaan taasoo dhadhansiisay qaraarka colaadda iyo xanuunka ay dareemaan Falastiiniyiintu, waayo waloow ay weli Israel cudud sarrayso misna Xamaas waxay hubkeeda u adeegsatey si hufan oo hannaansan.

XEELAD CUSUB – Xamaas ayaa ku guulaysatey inay yeelato istaraatijiyad iyo farsamo cusub oo ay mar qura ku gani karaan gantaalo fara badan si ay u jahawareeriyaan hannaanka daafaca cirka ee Iron Dome oo ay ka baxsadeen gantaalo badan oo ku qarxay bartamaha Tel Aviv.

Waxay kaloo ku guulaysteen taatiko ahaan inay hubkaa urursadaan, kaydiyaan kaddibna marka loo baahdo ay ganaan, tiiyoo ay isha ku hayaan Sirdoonka xoogga badan ee Israel ee Mosad oo xitaa Tunisia iyo Malaysia ku khaarajisey injineerro Falastiini ah oo hubkan fahamsan.

Yeelkeede, Xamaas waxay ku guulaysatey inay hub casri ah oo ay gantaalo ku jiraan ay soo mariyaan Libya, iyagoo soo marsiiyey saxaraha Masar ee Siinaay; qaar hubkaa ka tirsani waxay ka yimaadeen Iiraan isagoo badda ku yimid kaddibna Suudaan soo maray, iyagoo adeegsanaya dusmooyin dhulka hoostiisa ah oo 500 km ah.

Balse in badan oo hubka ay Xamaas ridayso ah waxaa lagu sameeyey isla Marinka Gaza, waxaana sameeyey injineerrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee Gaza ku sugan, kuwaasoo ay qaarkood dibedaha wax kusoo barteen, iyagoo talooyin iyo gargaar ka helaya Iiraan iyo Xisbullaah.

Sidaa darteed, marka xagal istaraatiji ah wax laga eego, Xamaas waxay dareemaysaa inay tahay cudud meteli karta reer Falastiin iyo ilaaliyeyaasha qura ee Quddus iyo Masjidka Al Aqsaa iyo inay weliba saamayn iyo joogis ku yeelan karaan Daanta Galbeed maadaama uu jilcay nidaamka PLA ee halkaa xukuma.

XOOGGA ISRAEL – Israel lafteedu waxay muujisay cudur cusub sida inay dabaqyo dhaadheer oo asaaskoodu hoos u qodan yahay ay u dumiyaan sidii guri miinooyin lagu xirey, taasoo ahayd farsamo dunida ku cusub inay jiraan gantaalo sidaa mar qura wax u dumin kara.

Waxay sidoo kale adeegsadeen dayuuradda  F-35I “Adir” oo ah mid uu Maraykanku sameeyey balse loo diyaariyey si ka duwan dayuuradaha kale, isla markaana ay sii maduufikeeyeen khubarada Israel.

Waxay sidoo kale qabteen in ka badan 80% gantaalihii ay Xamaas ku riddey gudaha Israel, waloow ay intaa fakatay guul wayn uga dhigan tahay Xamaas maadaama ay yihiin dad dagaallamaya iyaga oo go’doonsan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media