XOG: RW Rooble oo Kenya ku wajahan si loo turxaan bixiyo cakirnaanta diblomaasiyadeed ee taagan

0

(Muqdisho) 30 Maajo 2021 – Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in RW Maxamed Xuseen Rooble oo wefdi hoggaaminayaa uu safar shaqo ku tegi doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, si uu halkaa kulan ugula yeesho nidaamka dalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku dayaa in RW Rooble uu casuumaad rasmi ah usoo diray Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaa dhici kartaa in kulankaasi lagu turxaan bixiyo ismariwaaga diblomaasiyadeed ee bilihii dambe ka dhex taagnaa labada dhinac.

Xilliga uu safarkani dhacayo ayaan weli si tasmi ah loo cayimin, balse waxaa loo badinayaa inuu u dhacayo sida ugu dhaqsaha badan weliba xogaha qaar waxay sheegayaan inuu Rooble Nairobi u duuli doono toddobaadkan gudihiisa.

Labada nin ee Rooble iyo Kenyatta ayaan caadiyan isku cusbayn, maadaama ay labadoodu woxoogaa ku sheekaysteen dalka Jabuuti, halkaasoo ay uga wada qayb galeen caleemo saarkii MW Ismaaciil Cumar Geelle, kulankaasoo aan rasmi ahayn ayaa waxaa hareeynayey duullimaadyada ay Kenya joojisey xilli ay DF sheegtay in ay xiriirkii soo celisey.

Lama oga in haddiiba uu safarkaasi hirgalo waxa uu RW Rooble kala hadli doono Kenya marka laga soo tago duullimaadyada la hakiyey, maadaama ay jiraan arrimo kale oo ay Kenya doonayso sida Jaadka laga xannibay iyo dabcan arrimaha doodda badda, waloow ay DF horay u caddaysay inaan taa laga hadli karin oo ay ICJ go’aaminayso.

Dalka Qadar oo horay loo sheegay inuu dhexdhexaadiyey Somalia-Kenya ayaa la hadal hayaa inay haddana weli arrintan ku jiraan, iyadoo ay jiraan arrimo badan oo isku laalaabanaya iyo dano is diiddan.

Hadalsame Media