”Wiilku waa rakhiis!” – Corriere dello Sport oo kashifay in Raiola uu Juventus ku baryayo inay Donnarumma ku qaataan lacag ka yar middii uu Milan ka diidey

0

(Milano) 30 Maajo 2021 – “Warqad ku socota Juve: Gigio waa rakhiis”. Waa cinwaanka sheeko uu maanta qoray warqaadka caanka ah ee ciyaaraha ka faallooda ee Corriere dello Sport.

Sheekadan ayaa wuxuu wargaysku kaga hadlay in uu xaalku ku xun yahay qabtihii hore ee Rossoneri iyo wakiilkiisa damaca badan ee Mino Raiola oo keenay inuu laacibkani uu bilaash uga tago kooxdii uu ku barbaaray.

“Raiola ayaa farriin danabeed u diray Juventus oo uu u ballan qaaday “qiime dhimis” – ayuu qoray maalinlahan kasoo baxa Roma oo sheegay in wakiilku uu haatan Juve ku baryayo inay qaataan Donnarumma weliba 6 milyan oo euro.

Waxaa xajiib ah in goolwalahan da’da yar iyo wakiilkiisu ay AC Milan uga dhaarteen qandaraas 5 sanadood ah oo uu laacibku sanadkii ku qaadan lahaa 8 milyan oo euro, taasoo keentay inay Milan keensato goolwale kale – Mike Maignan.

Imaanshiyaha macallin Maximilliano Allegri, oo sheegay inuu sii haysanayo goolwale Szczesny, ayaa keeni karta in goolwalaha Azzurri uu xitaa koox waayo xagaagan, maadaama ay kooxaha isaga lala xiriirinayo ee fara ku tiriska ihi ay wada haystaan goolwalayaal.

Tan kale, waxaa arrinta Donnarumma uusan horay uga fikirin ay tahay in duni uu 2 sano dhulka kula jirey cudurka Covid-19 aanay jirin koox diyaar u ah inay farraqdo lacag fara badan, iyadoo weliba kooxaha lala xiriirinayo sida Juventus, Barcelona iwm ay la tacaalayaal qaamo aad u fara badan.

Hadalsame Media

Facebook Comments