”Waxaa watay saraakiil dhar cad ah maalintii xigteyna maydkiisa ayaa lasoo tuuray!” – Wacaalka dadka sanadkan oo qura Kenya lagu waayey

0

(Nairobi) 27 Maajo 2021 – Kaddib dilkii arxan darrada ahaa ee loo gaystey ganacsadihii ee Bashir Mohamed Mohamud, ayaa la sheegayaa in tan iyo Jannaayo 2021 oo qura in ka badan 20 qofood sidan oo kale loo waayey markii dambe la helay maydadkooda oo lagu xooray qaboojiye, jidka dhiniciisa ama webi lagu tuuray.

Xog ay hayaan koox booliiska isha ku haysa oo la yiraahdo Independent Medico-Legal Unit, ayaa muujianysa in dadka la waayey ay ka siman yihiin in si xun loo wada jir diley kahor inta aan la khaarajin, kuwaasoo 20 gaaraya muddo 4 bilood ah. Akhri qaybtii 1-aad…

Juma Omar, Hamish Mwinyi, Maarso 6

Waxaa xirey dad loo badinayo saraakiil amaan kahor intaan maydkooda lagu soo tuurin qaboojiyaha Coast General Hospital 6-dii Maarso. Omar wuxuu jirey 29 halka uu Mwinyi ahaa 17 jir uun.

Dhacdadan ayaa waxay timid todobaadyo uun kaddib markii 4 nin oo horay loo la’aa oo lagu waayey Kitengela iyagana maydadkooda laga helay webiga Murang’a

Afartii Kitengela, Abriil 19 

Waxay kala ahaayeen Elijah Obuong, 35, Benjamin Imbayi, 30, Brian Oduor, 36, iyo Jack Anyago Ochieng’, 37— waxay ku kulmeen Club Enkare oo ku yaalla Kitengela si ay u qadeeyaan. Waxay halkaa ku tageen Toyota MRK X (KCQ 715C). Qadada kaddib ayay galeen qaybta gawaarida la dhigto si ay u baxaan 3pm.

Yeelkeede, waxaa muuqata in laga afduubtay isla goobtaas oo gaarigoodii looga tegey. Maydadka Obuong, Imbayi iyo Oduor waxaa laga helay webiga Mathioya River ee Muranga. Halka Jack Anyago aan ilaa maanta raq iyo ruuxba lagu haynin. Waxay ahaayeen rag ku jira diiwaanka booliiska iyagoo ku eedaysan dhac iyo burcadnimo.

Fauz Mohammed, Ramadhan Omar, Brian Hamisi, Abriil 22

Fauz Mohammed, 27, Ramadhan Omar, 23, iyo Brian Hamisi, 23, waxaa siyaabo kala duwan looga soo qabtay guryohooda oo ku yaalla Likoni, Mombasa. Raq iyo ruux meel ay ku dambeeyeen lama yaqaan.

Wiil da’yar oo magaciisa laga hayo Collins, Abriil 29 

Collins, oo derbi jiif ahaa, waxaa xirtey booliiska oo ka qabtay Njoro oo ka tirsan Mathare, Nairobi, 29-kii Abriil galabtii 3.30pm. Waxaa maydkiisa laga helay qaboojiyaha City Mortuary maalintii xigtey. Collins waxaa lagu qaatay Toyota Probox ( KCW 491N.)

Mohamed Bashir Mohamoud, Maajo 23

Waxaa ninkan Soomaaliga ah la waayey 13-kii Maajo kaddib markii uu booqday goobta madadaalada ee Miale Entertainment Lounge oo ku taalla Lavington, Nairobi. Gaarigiisa oo ahaa Range Rover madow ah, wuxuu ku dambeeyey agagaarka Kibiku ee Ngong, waana la gubey heer ay xitaa qalfooftiisu bas beesho, kaaga darane dad aan la aqoonin, sida la sheegay, ayaa meeshii lagu gubey ka qaaday. Wax baa salag leh.

Waxaa deeto maydkiisa laga helay daanta webiga Kerugoya, ee Maamulk aKirinyaga County. Sida jirkiisa ka muuqatey waxaa loo gaystey jirdil aad u ba’an oo sida muuqata looga doonayey inuu xog bixiyo, iyadoo eedda ilaa haatan loo hayo ay tahay inuu lacago u diray Somalia, gaar ahaan saraakiil dowladeed.

Dhamaad…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media