DAAWO: Markii ugu horreeysey taariikhda oo ay hawada gashay dayuurad dagaal oo gaar loo leeyahay (Waa diyaaraddii duqaysay nukliyeerkii Ciraaq)

0

(Arizona) 27 Maajo 2021 – Sharikadda Too Aces ayaa la wareegtey dayuurad gacan 2-aad ah oo ah nooca F-16A/B ‘Netz’ oo ay lahaayeen Ciidanka Cirka Israel, waxayna samaysay duullimaadkii abid ugu horreeyey ee ay dayuurad noocan ihi hawada gasho iyadoo ay leedahay shirkad gaar ah.

Top Aces oo ay xarunteeda wayni ku taallo dalka Canada, ayaa hawada gelisey dayuuraddan F-16 oo ka duushay Mesa Gateway Airport ee Gobolka Arizona, iyadoo haatan guud ahaan haysata 29 dayuuradood oo ah nooca Vipers.

Waa markii ugu horreeysey taariikhda ee ay Hay’adda Duullimaadyada Federaalka  Maraykanka ee FAA ay rukhsad siiso sharikad gaar loo leeyahay oo haysata dayuurado dagaal oo noocan ah.

Dayuuraddan gaarka ah lafteeda ayaa taariikh gaar ah leh, waayo waa middii lagu duqeeyey curiyihii nukliyeerka Ciraaq ee Osirak 1981-kii, waxay sidoo kale soo riddey dayuurad MiG ah xilligaas, sida ka muuqata soo yaalka dayuuraddan.

Hadalsame Media