Arrin halis ku noqon karta ganacsatada Soomaalida oo kasoo dhex baxday dilkii ganacsade Bashiir & DF Somalia oo aan weli ka hadlin

0

(Nairobi) 27 Maajo 2021 – Ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee sida xun loogu diley Kenya, Bashir Mohamed Mohamud, ayaa la sheegayaa inay isha ku hayeen Sirdoonka Kenya iyadoo la sheegayo inuu lacago badan u dirayey kana helayey dhanka Somalia, sida lagu qoray The Star.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in Bashiir uu markii hore malaayiin lacag ah oo shilinka Kenya ah ka helay saraakiil sare oo ka tirsan DF Somalia, kahor intaanu u kala qaybin koontooyinka dhowr banki, isagoo sidoo kale malaayiin kale u xawiley Somalia.

Qoraallada ka muuqda wax u eg olole saxaafadeed oo ay wax ka og yihiin Sirdoonka Kenya, laguma sheegin in lacagahaa loo diray sababo sharci darro ah, balse waxaa kaliya eedda lagu koobay in uu ”lacago malaayiin ah u xawiley Somalia, ama ka helay” oo qura, taasoo aan dabcan dembi ahayn.

Arrintan ayay xitaa shacabka Kenyan-ka ihi sheegeen inay tahay mid lagu bannaynayo dilkii arxan darrada ahaa ee lagula kacay ganacsadahaas, taasoo ah arrin sidoo kale mustaqbalka halis ku noqon doonta ganacsatada kale.

Waayo waxaa dembi (crimininalization) laga dhigayaa in lacag loo xawilo Somalia, taasoo u muuqata siyaasad cusub oo ay Kenya, oo horay ugu fashilantay in gargaarka caalamiga ah laga joojiyo gobollo ka tirsan Somalia, ay ku doonayso inay Somalia oo idil mariso hal burush oo ka dhigaya dal fongoran oo wixii loo diraaba ay sharci darro yihiin.

DF Somalia oo ah midda la doonayo inay u istaagto galaangalna ka samayso danaha ganacsatada Somalia ee halkaa ku sugan oo uu ku jiro ninkan la diley ee Bashiir, kaas oo uusan Maraykanka oo ah dalka 2-aad ee uu dhalashada ka haysto waxba ku filan u qaban.

Hadalsame Media