20 qofood oo muddo 4 bilood ah Kenya lagu waayey kaddibna la helay maydadkooda oo meel ku xooran (Arag kiisaska)

0

(Nairobi) 26 Maajo 2021 – Kaddib dilkii arxan darrada ahaa ee loo gaystey ganacsadihii ee Bashir Mohamed Mohamud, ayaa la sheegayaa in tan iyo Jannaayo 2021 oo qura in ka badan 20 qofood sidan oo kale loo waayey markii dambe la helay maydadkooda oo lagu xooray qaboojiye, jidka dhiniciisa ama webi lagu tuuray.

Xog ay hayaan koox booliiska isha ku haysa oo la yiraahdo Independent Medico-Legal Unit, ayaa muujianysa in dadka la waayey ay ka siman yihiin in si xun loo wada jir diley kahor inta aan la khaarajin.

Waxayna dhibbanayaashani ka wada siman yihiin in dadkan lagu wada eedeeyey dembiyo iyo howlo argagixiso, taasoo muujinaysa inuu nidaamka meesha ka jiraa wax ka og yahay.

Taliye Xigeenka Booliiska IG Edward Mbugua ayaan dafirin isla markaana xaqiijin tirada ay soo bandhigeen IMLU, isagoo ku gaabsaday in ay kiis kasta si gaar ah u baaraan, qaarkoodna la xalliyey balse aanu lambar saxan haynin.

Waayo dhibbanayaashu?

Lixdii Baringo, Jannaayo 20

Paul Kosgei, Nelson Kordado, Brian Silale, David Kurgat, Kanga Siareng’ iyo nin 6-aad ayaa ku sugnaa Baarka Chemolingot oo ku yaalla soonaha Kapedo ee Baringo county, oo ay cabitaanno ku fuudayeen. Waxaa mar qura soo dhigtay dad hubaysan oo dhar cad ah waxaana lagu guray gaari taagnaa oo markiiba la xawaareeyey, waxayna qoysaskoodu u dacwoodeen saldigga booliis ee Nginyang.

Yeelkeede, 5 maalmood kaddib waxay 5 mayd ah laga helay agagaarka Shirata ee Arabal. Aad baa loo jirdiley, waxaa jirkooda ka muuqdey googooyn qoto dheer sida faraha. Eeryada laga qabtay ee Kapedo waxay Ciidamada Amaanku horay ugu asteeyeen meel ay ku beegsadaan burcadda min kuwa xoolaha dhaca ilaa dembiyada abaabulan. Dadka la laayey waxay jireen 27 ilaa 47 sano.

Ha yeeshee, dadkan la laayey waxay iskugu jireen macallimiin, madaxa dallad macallimiin, arday KMTC ka tirsan iyo ganacsade. Ninka 6-aad weli raqdiisa meel laguma sheego.

Abel Kipchumba, Febraayo 4

Maydkiisa waxaa laga helay agagaarka Ndathi oo u dhow Nyahururu ee daadegga buurta caanka ah ee Mount Kenya 4-tii Febraayo. Waxaa helitaanka lagu wargeliyey booliiska  Ndathi (OB Number 09/04/02/2021). Qoyskiisa ayaa gartay maydkiisa, lama se oga cidda dishey iyo sababta.

Ali Tengeza, Bakari Mbwana, Maarso 6

Sida ku cad warbixinta IMLU, waxaa labada nin la kacay laba wakiil oo ka tirsan kooxda argagixiso la dirirka ah oo Mombasa ka watay horraantii Febraayo waxaana maydkooda markii dambe la dhigay Tsavo National Park 6-dii Maarso.

Liiska dad argagixiso lagu eedeeyey oo uu faafiyey Booliiska Police IG Hillary Mutyambai bishii Oktoobar 2019, waxay Tengeza iyo Mbwana ku eedeeynaysey inay jecel yihiin al Shabaab, waloow aan la aqoonin sida sharciga caadiga ah loo marsiin waayey.

La soco qayb kale…..

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media