”Mar ayaa qarka loo saarmay khilaaf hubaysan!” – QM amaantay heshiiska la gaarey

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2021 James Swan, Ergayga Gaarka ah ee QM ee Somalia ahna Madaxa Xafiiska UNSOM, ayaa sheegay inay muhim tahay in la gaarey heshiis ku saabsan in doorasho loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Heshiis noocan ah la’aantii, samadoonnimada iyo daacadnimada lagu dhaqan gelinayo, guulihii sanadihii dambe la gaarayey way khasaari kari lahaayeen, taasoo keeni kartey amaan iyo xasillooni darro dheeraad ah”, ayuu ka digey.

Xiisado kacsan

Marka dib loo eego cakirnaantii siyaasadeed ee todobaadyadii dambe, Md Swan wuxuu sheegay in wada hadalladii DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada ee bilowday bishii Maarso, ay si laga shallaayo u burbureen horraantii Abriil.

Golaha Shacabka ayaa deeto meel mariyey ‘’Xeer Gaar ah’’ isagoo xooray Heshiiskii 17-kii Sebtembar 2020, isla markaana sameeyey muddo kordhin 2 sanadood ah.

Tillaabadani waxay keentay mucaaradad daran iyo dumitaanka malliishiyaad iyo qaybsan ka dhex muuqday Ciidamada Amaanka Somalia.  Isku dhacyo hubaysan oo dhacay 25-kii Abriil, kuwaasoo keenay halis ah dagaal daba dheer.

“Tan iyo markaas, Somalia waxay kasoo noqotay qarka xaalad aad halis u ah”, ayuu yiri Md. Swan, isagoo gocday in Golaha Shacabku uu ka noqday Xeerkii Gaarka ahaa 1-dii Maajo kaddib cadaadis ba’an, taasoo ugu dambayn xiisaddii dejisey.

Isagoo amaanaya madaxda Soomaalida oo tanaasul gaarey kana shaqeeyey inay xaaladda dejiyaan si loogu daneeyo dadka Soomaaliyeed, Md Swan wuxuu sheegay in isla shucuurtaas loo baahan yahay si horay loogu sii socdo.

MW Farmaajo wuxuu awood siiyey RW Rooble si uu u hoggaamiyo doorka DF Somalia ee geeddi socodka doorashada isla markaana uu isagu la socdo agaasinka amaanka.

QM ayaa sheegtay inay taageeraysey agaasinkii shirka iyadoo iskaashi dhow la leh Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo jaalal kale oo diblomaasi ah, iyadoo ka mahad celisey midnimada ay beesha caalamku ka muujisay la tacaalidda cakirnaantii arrimaha doorashada.

Hadalsame Media