Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegey degaanno badan oo ka tirsan Sh. Dhexe + Sawirro

0

(Jowhar) 26 Maajo 2021 – Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan qaybo ka tirsan Shabeelaha Dhexe ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen degaanno hor leh oo ay horay u haysteen Shabaabku.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jen., Odowaa Yuusuf Raage, waxaa ay ciidamadu kula wareegeen deegaanno ay ka mid yihiin; War Dhagax, War Ciise, Gal Leef, Qoor Dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo Shabaab looga saaray dagaal muddo kooban socdey.

Saraakiisha Xoogga ayaa sheegay inay khasaare ba’an gaarsiiyeen malliishiyadii ay halkaa ka qabsadeen, iyadoo aanay weli xaaladdu degananayn oo ay dagaallo kale dhici karaan.

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ka tirsan Maamul-goboleedka Hirshabeelle ayay dhowaan ciidamo badani kasoo bexeen iyagoo sheegay inay kasoo horjeedeen muddo kororsigii uu ku dhawaaqay Aqalka Hoose, balse waxaa markaa kaddib halkaa gaarey Taliyaha Xoogga oo abaabuley olole cusub oo ka dhan ah Shabaabka.

Hadalsame Media

Facebook Comments