SHIRKA TEENDHADA: Qodobbo muhim ah oo laga heshiiyey & mid weli xalkiisa la raadinayo (Heshiis dhow)

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2021 – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa Muqdisho ka soconaya maalintii afraad, iyadoo haatan la guda galay qodobbadii xasaasiga ahaa oo qaar xal laga gaarey, waloow uu shirku ku socdo jawi ka nabdoon kana xasaasiyad yar sidii hore.

Maalmihii tegey ayaa la sheegay in ilaa xad la isla meel dhigay qodobbo ka mid ah kuwii la isku qaban jirey sida Guddiyada Doorashashada, Xildhibaannada Gedo iyo arrintii Somaliland oo loo kala qaybiyey inay laba dhinac soo kala saaraan, balse weli la isku diiddan yahay.

Waxaa haatan soconaya dadaallo ay wadaan RW Rooble iyo Madaxda Maamullada qaarkood, kuwaasoo doonaya in xal laga gaaro arrinta xulista Xildhibaannada Woqooyiga Somalia.

Qodobkan ayaa haddii uu maanta xallismo waxaa lagu wadaa in heshiiska la saxiixo Khamiista soo aaddan, iyadoo durba la wado diyaarinta qoraalka War Murtiyeedka Shirka Wadatashiga Doorashooyinka.

Shirkan ayaa muhim u ah aayaha dalka oo si horay loogu socdo u baahan siyaasad bisil oo ay ka dhadhamayso danta dalka iyo dadku.

Hadalsame Media