Lamaane Hindi ah oo aroos ku dhigtay dayuurad dusheed oo lagu dheggan yahay & waxa lagu haysto

0

(Tamil Nadu) 25 Maajo 2021 – Lamaane Hindi ah ayaa go’aansaday inay xiriirkooda cusub jiho cusub ka keenaan kaddib markii ay munaasabadda meherkooda u ijaarteen dayuurad rakaab ah oo ah Boeing 737.

Yeelkeede, arooskani sidaa uma yeelin inay awal ku tala jireen inay hawada isku mehersadaan iyo inay caan ka noqdaan internet-ka.

Ha yeeshee, waxay tillaabadaa uq aadeen si ay ugu gooyaan xadidaadaha adag ee cudurka COVID-19, kaasoo aan ogolayn in meel ku kulmaan 50 qofood.

Labada lamaane ayaa dunta isku xirtey markii ay dayuuraddu dul heehaabaysey macbadka caanka ah ee Meenakshi Amman Temple ee gobolka koonfureed ee Tamil Nadu.

Balse qorshuhu sidii la doonayey kuma dhamaanin oo 161 qof oo dayuuraddu siddey waxay ku dheceen baxar wayn iyo biyo kulul kaddib markii ay maamulka dayuuraddu sheegeen inaan arrintan lagu wargelin.

Waxay kaloo dadkii xafladaynayey ku eedeeyeen inaysan raacin xeerarka karoonaha sida kala sikadka intii uu duullimaadku socdey, tiiyo dhowr mar ay u digeen soortooyinka Dayuuradda Spice Jet, waxayna ku gooddiyeen inay qaadayaan ”tilaabada ku habboon.”

Macbadka caanka ah ee Meenakshi Amman Temple

Hadalsame Media

 

Facebook Comments