BBC oo iyadoo fadeexad kasoo kabanaysa mid kale dhex taagan & waxa lagu haysto

0

(London) 24 Maajo 2021 – BBC ayaa iyadoo kasoo kabanaysa fadeexad hore oo ku saabsanayd khiyaano ay kula kacday Princess Diana oo ay saamayn xun ku yeesheen waraysi ay ka qaadeen oo burburiyey xiriirkeeda ayaa waxay faraha la gashay mid kale kaddib markii ay shaqaalaysay werriye mar soo qoray hashtag la yiraahdo “#HitlerWuuSaxnaa”.

BBC ayaa lagu haystaa sababta ay dib ugu raaci waydey diiwaanka baraha bulshada ee weriyaha dhinaca dhijitaalka ee Tala Halawa. Qaar kalena waxay ku doodayaan inay ka niyad jabeen in BBC-du aysan jawaabtii ku habboonayd ka bixinin eedaha Yuhuud nacaybka ah ee lagu eedeeyey weriyaha, sida ay ku doodayaan.

Arrinta Halawa ayaa waxaa waynaysada hoos geeyey dad Israeli ah, kuwaasoo ka caroodey muuqaal ay faafisay oo muran dhalis ah kaasoo ku saabsan taageerada Bella Hadid ee Falastiin.

Dadkan ayaa soo qufay tweet-yadii hore ee Halawa, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwo isir nacayb ah sida hashtag la yiraado “#HitlerWasRight” iyo qaar kale oo ay mid ku sheegayso in Yuhuudda ”dib u dejin looga sameeyo Maraykanka” iyo in ”Yuhuuddu ay ka cunsurisan tahay Hiter.”

Gabadhan oo ay BBC shaqaalaysay 2017 ayaa ka shaqaynaysey qaybta BBC Monitoring ee la socota baraha bulshada lafteeda, waxaana haatan gebi ahaanba la tiray koontadeedii Twitter.

Hadalsame Media