”Ma aha meel laga tegi karo!” – Shiinaha oo amaan kala dul dhacay Somalia

0

(Muqdisho) 25 Maajo 2021 Danjiraha Shiinaha ee Somalia, Qin Jian, oo uu sagootiyey MW Somalia, Md Farmaajo, ayaa amaan kala dul dhacay Somalia, isagoo sheegay inuu ka ”caja jiidayo inuu ka tago.”

”Waxaan Somalia ku qaatay 1527 maalmood iyo habeen, waxaan ku faraxsan ahay horumarka iyo farxadda Somalia. Runrtii dalkan waan jeclahay,” ayuu yiri Danjire Jian.

Danjire Jian ayaa muujiyey sida uu ugu bogsan yahay ama ula dhacsan yahay Somalia, isagoo xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka Somalia oo uu sheegay inuu u hadiyeeyey MW Somalia ”weligiina aanu horay u xiranin.”

”Markii ay ahayd inaan macasalaameeyo dhalkan quruxda badan ee Somalia, waxaan dareemay inaan ka caga jiidayo inaan ka tago. Waxaan kaliya ahay ergay caadi ah oo Chinese ah, balse waxaan si qoto dheer u dareemayaa saaxiibtinnimada Somalia. Waxaa jira waxyaabo aannu si ka fiican u qaban karno.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media