WhatsApp oo lagu eedeeyey inuu Israel uga hiillinayo Falastiin (Arrin uu kula kacay saxafiyiinta ku sugan Falastiin)

0

(Gaza) 25 Maajo 2021 – App-ka farriin walaha ah ee WhatsApp ayaa baloogay koontooyinka dhowr weriye oo Falastiini ah taasoo xigta xilli ay Israeli si xun u duqaysay Gaza iyo kooxda wax iska caabbinta ee Xamaas.

In yar uun kaddib markii ay hirgashay xabbad joojintii 2 a.m. Jimce (11 p.m. GMT Khamiis) taasoo soo afjartay 11 maalmood oo la duqaynayey Gaza, 2 weriye oo ka tirsan Xafiiska Gaza ee AFP ayaa helay ogaysiis loo mariyey WhatsApp oo af Carabi ugu sheegaya in koontadoodii la baloogay.

Saxafiyiin kale oo ku sugan Quddus oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto iyo xitaa isla Gaza ayaa iyagana koontooyinkii laga xannibay.

Shaqaale ka socdey TV Qadariga ah ee Al-Jazeera ayaa iyagana laga xirey balse markii dambe loo furay kaddib markii ay u cowdeen milkiilaha WhatsApp oo ah Facebook.

Guddoon Xigeenka Weriyeyaasha Falastiin, Tahseen al-Astall, ayaa xaqiijiyey in ilaa ”100 weriye” oo Gaza ku sugan koontooyinkoodii laga xannibay.

Arrintan ayaa xitaa ku ekayn Gaza iyo Daanta Galbeed, balse sida ay sheegtay Arab Center for the Development of Social Media waxaa jira meelo kale oo haatan si rasmi ah uga tirsan Israel sida magaalada Xayfa oo ah tan 3-aad ee ugu ballaaran Israel balse ah magaalo Carbeed ayaa laga soo sheegay ilaa 500 oo qof oo laga xirey WhatsApp-ka min 6 ilaa 19-kii Maajo.

accounts was not an isolated incident. In a new report, the group, based in Israel’s third city Haifa, documented 500 cases in which Palestinian “digital rights” had been violated between May 6 and May 19, iyadoo arrimahan lagu sheegay ku tumasho kale oo ka dhan xuquuqaha madaniga ah ee reer Falastiin.

Hadalsame Media