Arrin ay tahay inay ganacsatada Soomaalida Kenya ka taxadaraan & mid kale oo tuhun dhalisay oo kasoo baxday kiiska Bashiir Maxamed

0

(Nairobi) 25 Maajo 2021 – Ganacsadihii Soomaaliga ahaa ee sida xun loogu diley Kenya, Bashir Mohamed Mohamud, ayaa la sheegayaa inay isha ku hayeen Sirdoonka Kenya iyadoo la sheegayo inuu lacago badan u dirayey kana helayey dhanka Somalia, sida lagu qoray The Star.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in Bashiir uu markii hore malaayiin lacag ah oo shilinka Kenya ah ka helay saraakiil sare oo ka tirsan DF Somalia, kahor intaanu u kala qaybin koontooyinka dhowr banki.

Lacagta ayaa la sheegay in ay mararka qaar maraysey koontooyin qalaad kahor intaanay tegin Muqdisho. Arrintan ayaa muujinaysa in ganacsatada Kenya ku sugani aysan xor u ahayn inay lacagohooda la baxaan oo Somalia u dirsadaan, haddii ay lacalla doonayaan maalgashi dhankaas ah.

Bashiir oo 35-jir ahaa ayaa si xil leh oo xanuun badan loo diley, iyadoo jirdil ba’an lagula kacay kahor intaan la ceejin. Waxaa jirkiisa ka muuqda jugo, jajab, meelo waawayn oo ka go’naa, gubid, jiidid iyo xitaa in cijiyaha suulasha laga bixiyey, sida ku cad warbixinta dembi baare Johanson Oduor iyo laba qarreen oo qoyskiisa metelayey.

Waxaa kale oo jirta arrin ku saabsan in qalfooftii gaarigiisa oo guban laga helay Kibiku taasoo uu Booliiska Ngong u sheegay nin goobta ku sugnaa, balse markii ay goobta ku noqdeen maalmo kaddib la sheegay in qalfooftii ay halkaa ka qaadeen dad aan la aqoonin.

Sawirro laga qaaday gaariga ayaa muujinaya in si xun loo gubey, balse haraaga gaariga ayaa laga heli kari lahaa inuu qof kale gaariga saarnaa markii la gubayey. Baarista ayaa socota, balse gaariga la qaaday ayaa dhalinaya tuhun cusub oo ku aaddan inay rag culusi arrinta ku lug leeyihiin.

Bashiir (AUN) ayaa xiriir la lahaa madaxda sare ee Kenya.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments