”Waxaa dhacay tacaddiyo culus!” – Maraykanka oo xayiraado xooggan kusoo rogey dalka Itoobiya

0

(Washington, DC) 24 Maajo 2021 – Mareykanka ayaa xayiraado xooggan ku soo rogaya dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay.

Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa shaaca ka qaaday in xayiraado dhanka dal ku galka ahna lagu soo rogay saraakiil ka soo jeedo Itoobiya iyo Eritrea kuwaas oo lagu eedeeyay inay tacaddiyo ka geysteen gobolka Tigray.

Mr Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in tallaabo caalami ah la qaado, si wax looga qabto dagaalka ka dhacay Tigray.

Wuxuu intaas ku daray in dadkii ku lugta lahaa colaadda aysan qaadin tallaabo wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo xiisadda.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalladii ka dhacay Tigray, halka kumanaan kale ay ka barakaceen guryahooda, tan iyo markii dagaalka uu bilowday oo hadda laga joogo lix bilood ka badan.

Waxaa dhinacyada dagaallamaya lagu eedeeyay in ay geysteen tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii Febraayo ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritreaku xasuuqeen Tigray, bishii Nofeembar ee sanadkii tegay.

Sida ay hay’adda sheegtay, xasuuqa wuxuu ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka u dhexeeya dowladda Itoobiya oo garab ka heleysay Eritrea iyo TPLF oo dhinac ah.

Hay’adda waxa ay ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ku eedaysay in ay gaysteen “dambiyo badan oo dagaal”, xilli ay wadeen dagaalkii ay kula wareegeen magaalada Axum.

Dilal aan sharciga waafaqsanayn, duqeymo aan loo meel dayin iyo boob baaxad leh, ayaa ka mid ah tacaddiyada hay’adda Amnesty International ay ku eedeynayso ciidamada Eritrea in ay ka geysteen magaalada Axum, kaddib markii ay ciidamada Itoobiya gacan ka siiyeen in ay dib u qabsadaan.

.

Ha’yadda waxay sidoo kale sheegtay in Eritrea “ay magaaladaasi baaritaan guri-guri ah ka sameysay, iyagoo laynayay ragga iyo wiilasha isla markaana si ula kac leh u tooganayay dadka rayidka ah.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa horraantii bishii March ee sannadkan ka jawaabtay hadal ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ee ahaa Itoobiya inay deegaanka Tigray ‘Ciribtir qowmiyadeed’ ka waddo. Itoobiya ayaa hadalkaas ku tilmaamtay ‘Mid khalad ah oo aan xaqiiqada ku saleysneyn”.

Itoobiya waxay dhankeeda sheegtay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu sugayey ‘sharciga iyo kala dambeynta’, markii uu dhammaadayna aysan jirin ‘ciribtir qowmiyadeed’ inuu deegaankaas ka dhacay.

Xigasho: BBC

Hadalsame Media