”Taasi ma idinla saxan tahay?” – XF oo ka hadashay arrin ku saabsan Shirka Doorashooyinka oo ay dhibsatay!

0

(Muqdisho) 24 Maajo 2021 – XF Somalia ayaa sharraxaad xagal kale ah ka bixisay Teendhada Afisyooni ee uu haatan ka soconayo Shirka Wadatashiga Doorashada, sida ku cad qoraal uu sameeyey Afkayeenka XF, Ibraahim Macallimuu oo ku bilaabay:

Teendhada Afisyoone “Malab marka la doonayo in la magac xumeeyo ,shinnada xaarkeeda waa la oran karaa”.

Afisyoone ,waa xarunta Ciidamada Cirka Soomaaliya,ma ahan teendho . Waa garoonka ay ka haadi jireen diyaaradaha Ciidamada Cirka Soomaaliya oo soo shaqeynayay tan iyo xilligii gumeystaha.
Ereyg Aviazione asalkiisu waa Talyaani la Soomaaliyeeyay kaas oo la micno ah ereyga (Duulista ) ama ereyga English-ka ee Aviation.

Berrigii ay horraantii 90aadka ee dagaalada sokeeye Xamar ka socdeen ayaa weriyeyaal ajnabi ah oo aan Muqdisho Juquraafi ahaan aan garaneyn waxa ay Muqdisho u kala qeybiyeen Koofur iyo Waqooyi iyaga oo ula jeeday in KM5 ay tahay Koofur, Kaaraanna ay tahay Woqooyi .

Is weydii adigu ma saxan tahay taasi? Taa waxaa hadda la mid ah Teendhada Afisyoone.

Hadalsame Media