Dalkii 2-aad ee NATO ah oo iibsanaya hubka Turkigu sameeyo (Heshiis dhacaya)

0

(Ankara) 24 Maajo 2021 – Dalka Poland ayaa Turkiga ka iibsanaya 24 dayuuradood oo ah kuwa bilaa dayaarka ah ama is wada, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, taasoo Polish-ka ka dhigaysa dalkii 1-aad ee NATO ah oo iibsada daroonnada Turkiga.

Poland ayaa sidoo kale noqonaysa dalkii 2-aad ee NATO ah oo iibsada hub Turki-samee ah kaddib Hungry.

Poland ayaa iibsatey dayuuradaha Bayraktar TB2, iyadoo qaybta 1-aad loo daabuli doono sanadka soo aaddan ee 2022, waxaana waxyaabaha la socda ee ay Poland xirmo ahaanta u gadatay ka mid ah tababarkooda, kabkooda iyo saanadda hub ee la socota, sida uu xaqiijiyey Wasiir Mariusz Blaszczak oo ay soo xigatey Reuters.

Blaszczak ayaa Idaacadda Dowladda u sheegay in daroonnada Bayraktar TB2 “ay dagaalladii dhacay isku muujiyeen” isagoo intaa raaciyey in heshiiska Ankara lagu saxiixayo todobaadka xiga, halkaasoo uu booqasho rasmi ah ku tegayo MW Poland, Andrzej Duda.

NATO ayaa sheegtay in Turkigu uu haatan yahay dalka 4-aad ee soo saara daroonnada ugu badan caalamka oo idil, tan iyo markii uu MW Erdogan ku dhawaaqay in la kordhinayo soo saaristooda.

Shirkadda daroonkan samaysa ee Baykar Makina ayaa Bayraktar TB2 ilaa hadda sidoo kale hubkan siisay dalal ay ka mid yihiin Azerbaijan, Ukraine, Qadar iyo Libya. Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu Sucuudigu doonayo daroonnadooda, balse xiriirkooda ayaan fiicnayn.

Hadalsame Media