Dood diblomaasiyadeed oo caalami ah oo ka taagan dayuurad si khiyaano ah loogu dejiyey Ruushka Cad kaddibna nin ”mucaarad ah” lagala degey

0

(Minsk) 24 Maajo 2021 – Maraykanka ayaa ku biiray Midowga Yurub marka ay timaado cambaaraynta dayuurad ku wajahnayd magaalada Vilnius ee dalka Lithuania oo markii dambe laga dejiyey Belarus taasoo keentay in lagala dego tifaftiraha Telegram Channel.

Weriyahan Belarusian-ka ah ee Roman Protasevich oo aad u dhaliila Kali-taliye Alexander Lukashenko ayaa lagu xirey caasimadda Minsk shalaytoole kaddib markii duullimaadka Ryanair oo ka yimid Athens una socdey Vilnius loo jiheeyey Minsk iyadoo lagu cabsi geliyey inay bambo saaran tahay dayuuradda.

Taliska Belarusia ayaa Protasevich u arka nin si toos ah ula shaqeeya qaybaha dacaayadaha uu Maraykanku maalgeliyo kaasoo taageera siyaasaddiisa dibedda ee Bariga iyo Bartamaha Yurub.

Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Antony Blinken ayaa dalbaday in la sameeyo baaris caalami ah oo ku saabsan sababta loo weeciyey duullimaadka Ryanair xilli ay dul heehaabaysey hawada Belarusia.

Sidoo kale, Guddoonka Guddiga Maamul ee Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa dejinta dayuuraddan ku tilmaantay “afduub.” 

“Hab-dhaqankan sharci darrada ah ee Belarus waxay yeelan doontaa cawaaqib.” ayay soo tweet garaysay.

Arrintan ayaa sida muuqata sababtay shil diblomaasi ah, waloow aan weli xog badan laga haynin ujeedka ka dambeeya in dayuuradda la dejiyo. In ay cabsida bambadu run ahayd iyo in laga lahaa ujeedka qabashada ninkan.

Hadalsame Media