Cillad horay u taagnayd oo Dastuurka jebinaysa oo weli ka jirta Shirka Teendhada Afisyooni (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 23 Maajo 2021 – Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka, kaasoo ay ka qeyb gelayaan madaxda Maamul-goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana uu guddoominayo RW Maxamed Xuseen Rooble.

Yeelkeede, waxaan weli waxba iska bedelin hal arrin oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Qaranka, taasoo ah madax bannaanida saxaafadda soo duwaysa shirka oo weli bannaan joog u ah sidii hore.

Eedahaas ayaa loo jeediyey Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaare, Maxamed Xusseen Rooble, kuwaasoo ay ku jiraan rag horay saxafiyiin u ahaa iyo kuwo ka soo shaqeeyey arrimaha xuquuqul insaanka.

“In shirarka looga hadlayo masiirka umadda laga mamnuuco saxaafadda madaxabanaan, lana yiraahdo anaga ayaa idiin soo duubayna oo idiin tafatirayna ma qabato warbaahinta gaarka loo leeyahay,” ayuu ku qayliyey weriye Xasan Cadde oo ka mid ah suxufiyiinta taga goobta shirka.

“Madaxda iyo agaasimayaasha idaacadaha madaxabanaan waxaan leeyahay, mawqif midaysan ka yeesha habka wax tabinta shirarka mustaqbalka doorashada dalka ku xiran, adinka oo u turaya dalkiina, iskana diidaya in albaab kaa xiran daaqadiisa wax lagaaga soo tuuro.” Ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa nasiib darro wayn ku ah xorriyadda hadalka iyadoo ay siyaasiga mas’uuliyadi ka saaran tahay inuusan caqabado iyo faafreeb marna ku samayn qulqulka xogaha oo ah xuquuq madani ah.

Hadalsame Media