Dagaallo uu dal kale ku jiro oo ka kala bilowday xadadka Hindiya & Shiinaha

0

(Nay Pyi Taw) 23 Maajo 2021 – Isku dhacyo halis ah ayaa ka bilowday xadka Shiinaha iyo Myanmar kuwaasoo u dhexeeya Ciidamada Amaanka Mayanmar iyo kooxo ismaamul doon ah oo kasoo horjeeda afgembihii Febraayo, sida ay werinayso warbaahinta Myanmar.

Dagaalka ayaa ka dhacay Muse, oo ka mid ah meelaha looga tallaabo xadka Shiinaha, waxayna ka mid yihiin shaqaaqooyinka dalkaasi ka taagan oo iskugu jira qaraxyo, toogashooyin iyo meelo dab la qabadsiiyey, dalka oo dhan.

Xabadda ayaa bilaabatay saaka, sida ay weriyeen warbaahinta maxalliga ah ee DVB iyo Khit Thit Media, iyadoo lasoo sheegay gawaari rayid leeyahay oo la rasaaseeyey, balse lama sheegin waxyeello nafeed.

wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inay tahli waydey inay la hadasho Afhayeenka Ciidamada Mayanmar ama midka Isbahaysiga Northern Alliance oo ay ku midaysan yihiin 4 kooxood.

Yeelkeede, Kachin Independence Army, oo ka mid ah afarta kooxood ayaa iyaguna weerar ku qaaday woqooyi galbeed Myanmar, meel ku dhowaad 320 km (200 mayl) u jirta Muse oo u dhow xadka Hindiya.

Kooxda xukunka boobtay ayaa hardan hubaysan kula jirta kooxo kala geddisan oo sinjiyo kala duwan salka ku haya, kuwaasoo kasoo wada horjeestey afgembigii 1-dii Febraayo lagu tuuray hoggaamiyihii hore ee Aung San Suu Kyi.

Hadalsame Media