Dal Muslim ah oo Turkiga ka iibsanaya gawaari gaashaaman oo leh 10 muuqaal oo cajiib ah & NATO oo iibsi ku bilowday + Sawirro

0

(Ankara) 23 Maajo 2021 – Dalka Morocco ayaa qorshaynaya inuu Turkiga ka iibsado beebayaasha adag ee Ejder Yalçın oo ay sameeyso Nurol Makina oo ballaarinaysa suuqeeda caalamiga ah, sida ay u sheegeen Daily Sabah.

Ejder Yalçın ayaa waxaa horay u iibsadey dalal Yurub, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Afrika ah, isagoo dhowaan ka mid noqday hubka ciidamada dalka Hungary. Waana markii ugu horreeysey taariikhda ee uu hubka Turkiga adeegsado dal kale oo ka tirsan gaashaambuurta NATO.

Ejder Yalçın ayaa haatan loo doonayaa Ciidamada Boqortooyada Marooko ee Royal Moroccan Armed Forces, iyadoo ay horay u isticmaalayeen Ciidamada Turkigu.

Gaadiidkan ayaa leh muuqaallo ay ka mid yihiin: Burburinta Qaraxyada; Daafaca Cirka; Mid Qaada Taliska Guur Guura; Kuwa Dagaalka; Mid sheegi kara weerarrada Kiimikada, Bayolojiga iyo Nukliyeerka (CBRN); Mid Ciidanka Qaada; Mid Miino Baar ah; Aambalaas Gaashaaman; Nooca Xuduudaha Ilaaliya iyo kuwa Ciidamada Amaanka.

Hadalsame Media