XF oo beenisey xog “been abuur ah” oo laga faafiyey Shirka Teendhada

0

(Muqdisho) 22 Maajo 2021 – XF Somalia ayaa beenisey warar laga faafiyey Shirka Wadatashiga ee maanta ka furmay Teendhada Afisyooni, Muqdisho.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa beer abuur aan sal iyo raad toona laheyn,” ayuu yiri Afhayeenka XF, Ibraahim Macallimuu.

“Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa.” Ayuu ballan qaaday.

Wararka shirka ka imanaya ayaa tibaaxaya in aanu xumayn jawiga guud ee shirka oo guul laga rajaynayo, maadaama aanu waqti badani harin.

Hadalsame Media