MW Farmaajo oo lagu dhaliiley eed uu si caalami ah ugu jeediyey Odayaal-dhaqameedka Somalia (Tibxaha uu adeegsadey)

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2021 – MW Farmaajo ayaa qoraal dheer oo uu kaga hadlayo sida aanu isagu eed ugu lahayn doorashada cakirantay xilli uu isagu talada dalka hayo ku qoray warqaadka caanka ah ee Foriegn Policy.

Somalia oo ah dal burbur kasoo kabanaya ayaa waxyaabaha ugu yaraan u saxnaa waxaa ka mid ahaa in aanu jirin Madaxwayne si iskiis ah xilka iskugu dhejiyey ama u kororsaday marka laga soo bilaabo 2000 oo ahayd markii la dhisay Dowladdii KMG ahayd ee Cabdisaasim.

MW Farmaajo ayaa isku dayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasoo la wada qirsan yahay inay mustaxiil tahay marka la eego duruufaha amaan iyo xitaa kuwa siyaasadeed ee dalka, kaddibna wuxuu sheegay in uu muddo kordhin ka helay Aqal ka mid ah Baarlamanka Federaalka ah oo uu isna muddo-xileedkii ka dhacay.

Haddaba, si uu taa qiil ugu sameeyo wuxuu eed dusha ka saaray odayaasha dhaqanka ee soo xula Xildhibaannadda Federaalka, kuwaasoo uu ku tilmaamay daneystayaal afduub ku haysta malaayiin Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in odayaashan ay qaarkood Alshabaab laysay, qaarna ay bartilmaameed weli u yihiin.  ”Haddii uu ku fashilmay hawshii loo igmaday, ma ahayn in uu af-qalaad ugu gafo odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha oo aan ku tilmaami karo halgamayaal.” ayuu ku dooday Cabdulqaadir Nuunow oo ah weriye ruug caddaa ah.

Dad badan ayaa qaba in ay jiraan waxyaabo badan oo haatan ka mid ah qaab dhismeedka siyaasadda dalka, balse in la turxaan bixiyo ay u baahan tahay in si aan ka darayn ama aan duminayn inta dhisan loo wajaho, taasoo u baahan dhiraan dhirin, dulqaad, wadar ogol, bisayl iyo dabcan waqti.

In dal la dumiyo waa sahal, balse in la dhiso waxay u baahan tahay jiilal isku jallaadan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media