XOG: Maraykanka oo xayiraado culus kusoo rogi kara Abiy Ahmed & Asasias Afwerk

0

(Hadalsame) 22 Maajo 2021 – Maraykanka ayaa qorsheynaya xayiraado socdaal oo uu ku soo rogayo madaxda Itoobiya iyo Eritariya.

Maamulka Jeo Biden ayaa qorshaynaya cunaqabatayn ka dhan ah Abiy Axmed iyo Asasias Afwerk, sida uu qoray wargayska Afka dheer ee Foreing Policy, taas oo ay ugu muhiimsan yihiin;

1. In la jaro kaalmadii dhaqaale ee Maraykanku ku bixin jiray amniga Itoobiya, taasi oo ahayd Malaayiin Dollar.

2. Kaalmada bangiga adduunku uu siiyo Itoobiya oo la jarayo, iyadoo lagu sababaynayo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Tigray.

3. Jarista daynta ay IMF siiso Itoobiya, iyadoo weliba shardi lagaga dhigayo in Itoobiya soo celiso daymihii hore ee lagu lahaa.

Wada hadallo hoose oo u dhaxeeya khilaafka Maraykanka iyo Itoobiya ayaa socda sida uu qoray wargayska Foreing Policy, balse wargaysku waxa uu sheegay in aanay go’aamadani ahayn kuwo kama danbays, balse xaaladda ayaa isbadeli karta.

Waxaa Diyaariyey: Cabdiraxmaan Buux

Hadalsame Media