Koox Falastiini ah oo qabsaday wershad Israel leedahay oo samaysa daroonnada lagu duqaynayo Gaza + Sawirro

0

(Leicester) 20 Maajo 2021 – Gayfanayaan ka xun xasuuqa ka soconaya Gaza ayaa dibadbax ku qabtay saqafka sare ee wershad sameeysa dayuuradaha daroonka oo ku taalla dalka UK.

Kooxda bannaan baxday oo la yiraahdo Palestine Action ayaa qabsaday qayb ka mid ah wershad ay Israel leedahay, gaar ahaan hay’adda Elbit Systems oo ku taalla magaalada Leicester.

Wershaddan ayaa dhista qaar ka mid ah daroonnada ay Israel ku duqaynayso Marinka Gaza ee lagu laynayo dadka badan ee rayidka ah, iyadoo ay dadkani wershadda muddo haysteen, albaabada u laabeen isla markaana hakiyeen wax soo saarkii.

Dadkan oo doonayey inay ku dul hoydaan saqafka wershadda oo ay 13 saacadood saarnaayeen ayaa waxaa markii dambe si nabdoon ula xaajoodey Booliiska UK.

Xaaladda Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa kasii daraysa iyadoo ay qaybta hore ka socdaan duqaymo aan kala sooc lahayn oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 oo qofi. Israel ayaa xitaa Maraykanka ka diiddey in xaaladda la dejiyo oo xabbada la joojiyo.

Hadalsame Media