MW Jubaland oo Muqdisho soo gaarey & madax kale oo halkaa ka degey kahor Shirka Sabtiga

0

(Muqdisho) 20 Maajo 2021 – MW Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa haatan soo gaarey magaalada Muqdisho isagoo noqonaya Madaxwayihii 3-aad ee Muqdisho yimaada.

Axmed Madoobe ayaa ka qayb qaadanaya Shirka Doorashooyinka oo maanta lagu wadey inuu Muqdisho ka furmo, kaasoo 2 maalmood dib u dhacay lana sugayo inuu Sabtiga furmo.

Waxaa horay Muqdisho usoo gaarey Madaxda Maamullada Galmudug iyo KG Somalia, Md Qoor Qoor iyo Lafta Gareen, iyadoo la sugayo imaanshiyaha labada maamul ee harsan.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah ragga asaaska u ah shuruudaha ay ku burbureen shirarkii hore, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu shirkani hagaago.

Hadalsame Media