Tudco ku jira heesta ay wada qaadeen Nimco Dareen & Cabdi Cajuun oo shaki hor leh abuuray (Arag tuducda)

0

(Hadalsame) 20 Maajo 2021 – Hees ay dhowaan soo qaadeen Nimco Dareen & ninka sumcad beelay ee Cabdi Ciise Cajuun ayay dad badani siyaabo kala gedisan uga fal celiyeen.

Dad badan ayay sunniyuhu dhaqaaqeen markii ay heestan arkeen iyagoo ku dooday inaysan wanaagsanayn in lala heeso fannaankan maadaama uu faraha kula jiro arrin aan dhaqanka ku wanaagsanayn oo muran badani ka taagan yahay, halka ay qaar kale iska taageereen.

Yeelkeede, haatan ayaa waxaa soo baxday dood kale oo ku saabsan tudco ku jira heestan halku dheggeedu yahay ”Ka Mayro Wixii kusoo Maray” oo uu curiyey Abwaan Shilke, kuwaasoo dadka xusuusiyey salka murankii hore ee shaqaaqada dhex martay Cajuun iyo Safiyo Tusmo oo marar badan sheegtay inay kharash badan u quurtey ninkan.

Tudcaha muranka dhaliyey waxay ugu daran mid u dhacaysa sidatan:

”Xiriir mira dhalaya maalgeli”

Dad badan ayaa baraha bulshada ku faafiyey dood ku saabsan arrintan iyagoo siyaabo kala geddisan u fasiraya ujeedka mirahan ku dhex qarsan amaba ka muuqda.

Hadalsame Media