Wiil kaligii calanka Falastiin la yimid Fagaaraha Taxriir ee Qaahira oo mar qura lala kacay welina la la’yahay

0

(Qaahira) 18 Maajo 2021 – Wiil dhallinyaro ah oo Masri ah ayaa mar qura la aayey kaddib markii uu Fagaaraha Taxriir lasoo istaagey calanka Falastiin si uu hiillo niyadeed ugu muujiyo dadka lagu xasuuqayo Gaza iyo Daanta Galbeed.

Al-Araby Al-Jadeed ayaa qoray in wiilkan oo la yiraahdo Omar Morsi uu Salaaddii Jimcaha hooyadii u sheegay inuu kusoo dukanayo Masjidka Omar Makram oo kusoo jeeda Fagaaraha Taxriir, kahor intaanu calanka lasoo istaagin halkaasi.

Omara ayaase markiiba la waayey, iyadoo ay hooyadii tagtay Saldhigga Booliiska Qasr Al-Nil, balse ay saraakiishu u sheegeen inaysan marna il saarin wiilkeeda, waxaana haatan bilowday hashtag cusub oo la yiraahdo ”aaway Cumar.”

Waxaa sidoo kale Jimcihii Masar lagu xirey weriye la yiraahdo Nour Al-Huda kaddib markii ay calanka Falastiin la timid Taxriir, waloow iyada lasii daayey 4 saacadood kaddib.

Duqaymaha Yuhuudda ayaa Axaddii oo qura lagu laayey 192 Falastiini Marinka Gaza oo qura, kuwaasoo ay 58 ka mid ihii carruur yihiin, halka ay dhaawacmeen 1,235 qofood, iyadoo ay Israel sidoo kale diiddey xabbad joojinta.

Hadalsame Media