Turkiga oo sameeyey daroonno yar yar oo sita gantaalo cajiib ah (Shaqo cusub oo ay qaban doonaan)

0

(Ankara) 18 Maajo 2021 – Sharikadda Turkiga ah ee agabka ciidamada sameeysa ee Troy Teknoloji Savunma ayaa soo saartay daroonno yar yar oo sida gantaallo yar oo ah 170-millimitir ah, kaddib markii ay muddo waddey cilmi baaris.

Shirkaddan oo 2004 Ankara lagu aasaasay, waxay ku howlan tahay samaynta madaxyada aadka u qarxa ee gantaalaha lagu xiro, rokotyada yar yarka ah iyo kuwa lagu xiro gaaadiidka is wada ee dhuleed (UGV)

Gantaallada yar yar ee ay haatan sameeyeen ee lagu rakibi karo daroonnada yar yar ayaa hadba adeegsigiisa la waafajin karaa marxaladda, iyadoo loogu tala galay howlgallada amaan ee gudaha iyo dibeddaba, iyo sidoo kale xaafadaha la deggan yahay.

Gantaalka 170 millimitir ah ayaa laga ganayaa qunux 550-millimitir ah, iyadoo joogga gantaalku uu la gudboon yahay cuf dhan 500 garaam, waxayna gantaaluhu dhan yihiin ilaa 6.

Gantaalka yar ayaa gaaraya masaafo dhan 2 km (1.24 mayl) isagoo ku duuli kara joog sare oo dhan 100-500 mitir (328-1,640 cagood). Wuxuu kaloo wax ka dili karaa gacan dhan 12 mitir marka uu bartilmaameedka ku dhoco isagoo leh dusmo ka dhan ah walxaha gaashaaman oo gaaraysa STANAG 4569 Level 2.

Daroon yarahan iyo hubka uu sito ayaa aad wax uga tari doona dhismayaasha ay galaan kooxaha argagixisada iyo kuwa madax furashada iyadoo daroonnadan oo rakhiis ah isla markaana uu qaadan karo askarigu loo diri karo, marka loo baahdo.

Hadalsame Media