Silac nooc cusub ah oo ka jira Garoonka Dayuuradaha Muqdisho (Maamulka Garoonka & Dayuuradaha oo door ku leh)

0

(Muqdisho) 18 Maajo 2021 – Qof ehelkeyga ah ayaa Diyaarad ka soo raacdey Guri Ceel 4 saac Subaxnimo, kaddib waxaa laga dejiyey Gaalkacyo, waxaana Gaalkacyo ka soo baxeen 5:30 Galabnimo, waxay Muqdisho soo gaareen 8-dii fiidnimo kaddib maxaa dhacey?

Waxaa loo sheegaa Rakaabkii in Habeenkii aanu jirin wax adeeg ah oo ku saabsan Basaskii qaadi lahaa Rakaabka ee geyn lahaa Sahal Treminal, sidoo kale waxaa loo sheegaa in ay xiran yihiin wadada tagta lambar 4 iyo mida ka soo dhacda 21 Oktoobar
Habeenkii Garoonka Gudihiisa waxaa ka shaqeysta Tagaasi Lacago badan ka qaata dadka Rakaabka ah kuwaa oo ay marsiiyaan wado ka tagta Garoonka oo ka soo dhacda Isbitaalka Yardameli sidaa darteed dadka aan awoodin Tagaasidaas waxay habeenkii ku baryaan Banaanka Garoonka waa kuwa Wata Alaabada Culus, halka kuwa alaabada fudud wata ay soo lugeeyaan si u gaaraan meel ay Bajaaj ka raaci karaan

Ugu dambeyn waxaa leeyahay Shirkadaha Diyaaradaha haddii aysan bixin karin Adeega dadka Rakaabka ah yeysan Rakaabka keenin Waqti habeen ah Garoonka Aadan Cadde.

Waxaa Qoray: Amiin Y Khasaaro

Hadalsame Media