Shaqaalaha British Airways oo iska diidey inay u safraan dal ay haatan ka jiraan kiisaska ugu badan ee cudurka Covid-19

0

(London) 18 Maajo 2021 – Qaar ka mid soorayaasha iyo shaqaalaha kale ee British Airways ayaa diidey inay shaqada soo galaan si aysan u aadin dalka Hindiya oo uu dhulka dhigay cudurka coronavirus oo kusoo laba kacleeyey, kaasoo 50% ka faafi og kii hore.

Dalkaasi ayaa waxaa haatan celcelis ahaan maalintii ku dhinaya 4,000 oo qofood iyadoo sidaa ku socota muddo 2 todobaad ah, waloow ay kiisasku yara hoos u dheceen Jimcigii weli waa 326,000, halkii ay awal ka ahaayeen 303,000 maalintii.

Sida lagu qoray Sun on Sunday, British Airways ayaa dhibaato ku qabta inay hesho shaqaale u diyaar ah inay u duulaan dalkaasi, taasoo keentay inay shirkaddu tillaabo qaaddo, iyadoo ku gooddisey in la ”tuurayo qofkii aan duullimaadyadaa doonaynin.”

Hindiya ayaa UK ugu jirta “liiska cas” oo la geliyey Abriil, taasoo ka dhigan in qofkii Hindiya ka yimaada uu ku khasban yahay kaarantiil 2 todobaad ah oo hoteel dhexdii ah marka uu soo galo UK.

Hadalsame Media