Kenya oo u dhaqantay sidii inay xukunto hawada Somalia & Jabuuti oo arrintaa ku caawisay

0

(Nairobi) 18 Maajo 2021 – Kenya ayaa maalin dhowayd joojisey duullimaadyadii caadiga ahaa ee ka imanayey ama tegayey Somalia, balse misna sheegtay inay fasaxday 2 dayuuradood oo Somaliland gaynaya agabka doorashada halkaasi ka dhacaysa, taasoo farsamo ahaan ka dhigan inay iyadu ka wada talinayso wixii gelaya hawadeeda iyo hawada Somalia.

Labada dayuuradood oo ay leedahay shirkadda Astral Aviation ayaa loo fasaxay inay agabka ka qaadaan gegada Jomo Kenyatta International Airport, Nairobi, kaddibna ay maraan hawada Djibouti oo ay ka degaan Hargeysa.

Dayuuradahan oo kala ah MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, oo labaduba ka diiwaan gashan Kenya, ayaa rukhsadda la siiyey 13-15-kii bishan Maajo iyadoo loo kordhinayo haddii ay dib u dhacaan, maadaama la siiyey 72-saacadood.

Arrintan ayaa muujinaysa in Jabuuti ay Kenya farsamo ahaan ku caawinayso inay dayuuradahaasi hawadooda soo maraan marka ay soo gelayaan hawada woqooyi ee Somalia oo ugu yaraan sharciyan ay xukunta DF Somalia.

Xog kale ayaa sheegaysa in DF Somalia ay dalka ka mamnuucday shirkadda Astral sida kasoo baxday Hey’adda Duulista Soomaaliyeed (SCAA), waloow aynaan weli xaqiijinin inay Hargaysa tagtay iyo in kale.

Hadalsame Media