”Somalia 11 jeer ayay naga fiican tahay!” – Dadka Eritrean-ka ah oo bilaabay arrin ay ku amaanayaan Somalia dalkooduna uu ku liito

0

(Casmara) 18 Maajo 2021 – Shacabka Eritrea ayaa muujinaya inay qaati ka joogaan siyaasadda rajciga ah ee uu muddada dheer dalkiisa ku xukumayo MW dalkaasi gacanta birta ah ku haya ee Isaias Afwerki.

Dadkan Eritrean-ka ah ayaa soo qaatay sida ay tusaale ahaan ugu liitaan dhanka internet-ka oo casrigan muhim u ah tillaabo kasta oo ay bulshadu qaadayso.

Mid baa soo qoray: ”Xawaaraha celceliska ah ee Internet-ka Eritrea waa wax ka yar 1 MBps, waana midka ugu liita caalamka”, isagoo kaddib soo qaatay in Somalia oo ah dal dagaallo kasoo doogaya uu aad uga fiican yahay iyaga.

Mid kale ayaa isna sheegay in Somalia ay leedahay Internet 11 jeer ka xawaare badan midka Eritrea oo ah dal uu la degey taliska kartida xun marna fulayga ah ee halkaa ka arrimiya sida uu yiri.

Dalka Somalia oo kaalinta 1-aad Afrika uga jira dhanka rakhiisnimada sicirka halka GB, ayaa dunida uga jira kaalimaha ugu hooseeya wuxuu fadhiyaa kaalinta 200-aad waana 0.86, waxaana ka hooseeya dalal ay Itoobiya, Niger, Muritaaniya, Turkeministan iyo Yaman oo ah dalka dunida ugu liita dhanka Internet-ka.

Hadalsame Media