”Waxaan sugaynaa go’aanka ICJ” – Wargays kasoo baxa Kenya oo sheegay inuu arkay dokumenti la saxiixi rabo & DF Somalia oo ka jawaabtey

0

(Muqdisho) 19 Maajo 2021 – Warqaadka The Star ee dalka Kenya ayaa qoray war uu ku sheegayo in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen inay si siman u wadaagaan saliidda iyo gaaska ku jira seddax-xagalka ay damaacinayso Kenya, kaddib dhexdhexaadin ay Qadar samaysay.

Wargayska ayaa intaa raaciyey in uu isagu arkay heshiiska oo si dhaqse ah loogu saxiixi doono Dooxa, kaasoo dhigaya in saami isle’eg oo 50:50 ah la kala qaato.

Wuxuu kaloo sheegay in Qadar sidii la filayeyba ay dano ku leedahay saliidda caalamiga ah ee ay baarto sharikadda Talyaaniga ah ee ENI (Ex AGIP), taasoo gacanta ku haysa sahminta qaar ka mid ah baloogyada ay Kenya sheeganayso.

Yeelkeede, RW Xigeenka Somalia, Md Mahdi M Guuleed, ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday warkan. ”Waxaannu sugaynaa go’aan cadaalad ah oo kasoo baxa Maxkamadda ICJ in lagu xalliyo muran badeedkan.” ayuu yiri waloow uu adeegsaday erayga ”muran.”

Hadalsame Media