Qoysas dhan oo ku dabar go’ay duqaymaha Gaza & magacyada dhamaan dadkii dhintay (Gabar Ciidda kaddib aqal geli lahayd oo ku jirta)

0

(Gaza) 17 Maajo 2021 – Shalay oo Axad ahayd ayaa noqotay maalintii ugu ba’nayd duqaymaha haatan todobaadka dhaafay ee ay Israel ku hayso Gaza, waxaana soo yeeraya wacaal naxdin leh oo muujinaya qoysas dabar go’ay.

Qoys ka kooban 13 qofood oo la yiraahdo al-Kulk oo ay da’doodu u dhaxayso 1-85 jir ayaa wada dhintay, qoys kale oo ka koobnaa 5 qofood oo ay hooyadii ku jirto ayaa iyagana laga soo saaray burburka gurigooda.

Qoys kale oo ka koobnaa 10-xubnood oo la yiraahdo Abu Hatab, ayaa iyaguna xijaabtey kaddib markii gantaal lala helay gurigooda oo ku yaalla xerada qaxootiga Shati, cunug yar oo 5 bilood jir ah ayaa ka haray.

Xaafadda dhacda Jidka al-Wihda Street, waxaa lagu diley Dr. Moin Ahmad al-Aloul, oo ku takhasusau cudurrada maskaxda, waxaana la dhintay xaaskiisii iyo 5 carruur ah. Shaima Ahmed Qwaider, 23-jir, oo ahayd kalkaaliso ka shaqaysa Isbitaalka al-Shifa Hospital ayaa iyadana duqaynta ku dhimatay.

Waxaa dadka dhintay ka mid ahaa Shaima Abu Al-Auf، 20-jir ayaa ka mid noqotay 42 Falastiini ah oo lagu diley Xaafadda Al-Wehda ee Gaza. Shaima ayaa doonnayd iyadoo aqal geli rabtey Ciidul Fidriga kaddib.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in habeenkii Axadda oo qura Gaza lagu qaaday 150 weerar oo duqaymo ah oo uu midkiiba muddo soconayey.

Falalkan ayaa ah dembiyo dagaal iyo meel ka dhac xuquuqda aadanaha ah kuwaasoo aanay ilaa haatan jirin cid wax ka qabatay.

Halkan ka akhi magacyada dadka dhintay & da’dooda…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media