Dawo lagula tacaalo HIV oo Kenya la siiyey oo Somalia lagu arkay (Maraykanka oo tillaabo qaaday)

0

(Nairobi) 17 Maajo 2021 – Hay’adda Mucaawinada Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa sheegtay inaysan hadda kaddib la macaamili doonin Wakaaladda Dawada Kenya ee KEMSA, kaddib markii  dawooyinka lagula tacaalo fayruska HIV ee ARVs oo iyada la siiyey lagu arkay South Sudan, Somalia iyo isbitaallo gaar loo leeyahay.

Baaritaanno la sameeyey ayaa lagu waayey 30% ka mid ah dawooyinkaas, iyadoo ay KEMSA jawaab waafi ah ka bixin waydey waxyaabahaa is dhaafdhaafsan, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan USAID.

Go’aankan ayaa lagu wargeliyey MW Uhuru Kenyatta iyadoo loo marsiiyey Wasaarad Dibadeedka Maraykanka, taasoo keentay in haatan la kala diro Guddigii Maamulka Wakaaladda KEMSA, waloow aysan USAID taa ku qancin.

“Go’aankan waxaa la gaarsiiyey xafiisyada sare ee Washington DC marka xitaa haddii la kala diro Maamulka Kemsa waxba tari mayso,” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media