NABSI: Ku dhowaad 160 Yuhuud ah oo ku waxyeelloobey meel macbad ah & sida ay wax u dheceen (Daawo)

0
Israeli medics carry wounded ultra-Orthodox men outside a synagogue in Givat Zeev, outside Jerusalem, Sunday, May 16, 2021. Israeli medics say more than 150 people were injured in a fatal collapse of a bleacher at an uncompleted West Bank synagogue. (AP Photo/Sebastian Scheiner)

(Daanta Galbeed) 17 Maajo 2021 – Howlwadeennada Caafimaadka Israel ayaa sheegay inay dhowr qofi dhinteen isla markaana ay dhaawacmeen in ka badan 150 qofood kaddib markii ay duntey jaranjaro kuwa qaad qaadma ah oo dhex taalley macbad dhismo ku socdo oo ay leedahay Yuhuudda xoogga ku haysata Daanta Galbeed, shalay.

Jaranjarada ayaa waxaa buux dhaafiyey Yuhuudda xag-jirka ah ee Hareediga loo yaqaan, waxayna duntey xilli ay cibaado ku jireen, sida ay sheegeen.

Magen David Adom ayaa u sheegay Channel 13 in kooxaha caafimaadku ay daweeyeen in ka badan 157 qofood, halka ugu yaraan 5 qofi ay markiiba dhinteen waxaana ku jirey wiil 12-jir ah iyo nin 50-jir ah.

Shilkan ayaa yimid todobaadyo uun kaddib markii ay 45 kale oo isla Yuhuudda Hareedigu ay ku dhinteen is buurasho ka dhacday munaasabad diimeed oo lagu qabtay woqooyiga dhulka ay haysato Israel.

Hoos ka daawo sida ay wax u dheceen:

Hadalsame Media