”Waxa socda wax aadminnimada ka baxsan!” – Markii cid kale oo hadasha la waayey ayay ururro Israeli ihi ka hadleen xasuuqa Marinka Gaza (Inta dhimatay)

0

(Tel Aviv) 16 Maajo 2021 – Kooxaha Xuquuqul Insaanka Israel ayaa Israel ku eedeeyey inay ku kacday “dembiyo dagaal” oo ay ka gaysatey Marinka Gaza Strip iyagoo war ay haatan soo saareen ku dalbaday in beesha caalamku ay arrintan soo farageliso, sida ay faafisay Anadolu Agency.

“Beesha caalamku waa inay dhaqse tillaabo u qaaddaa oo Israel ugu khasabtaa inay siyaasadeeda bedesho inta aysan galaafan dhibanayaal kale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay B’Tselem.

Kooxdan ayaa sheegtay in Israel ay Gaza ka gaysanayso burbur iyo xasuuq ka daran midkii 2014-kii, iyadoo ay meeshaasi awalba ku jirtey xasarad aadminnimo maadaama ay ku nool yihiin 2 milyan oo halkaa lagu go’doomiyey muddo 14-sanadood ah.

The Israeli constant attack on Gaza – Cartoon [Sabaaneh/MiddleEastMonitor]

Tan iyo Isniintii, waxay ciidanka Israeli laayeen 145 Falastiini ah oo ay ku jiraan 41 carruur ah iyo 23 haween ah, iyagoo dhaawacay 1,100 qofood, waana is taraysaa tiradu.

17 Falastiini ah oo kale ayay iyagana ku dishey Daanta Galbeed, kuwaasoo ay qaar dileen Yuhuudda degaamaystayaasha ah kaddib markii ay Falastiiniyiintu ka cowdeen xukun maxkamadeed oo xaafado looga qaadanayey 12 qoys oo ku nool Bariga Quddus, si loo dejiyo Yuhuudda, taasoo keentay rabshado bilowday 13-kii Abriil.

Hadalsame Media