GO’AAN CEEBEEYSAN: Rigooradii Juve loo dhigay oo ay ka dhalatay dood caalami ah (Akhri fal-celinta weriyeyaal caan ah)

0

(Torino) 16 Maajo 2021 – Waxaa weli socota dooddii ka oogantey rigoorihii ay shalaytoole ku badisay kooxda Bianconeri kaddib markii uu rigoore aan jirin u dhigay Calvarese oo xitaa diidey inay VAR ka eego saxnimadiisa, kulankii ay 3-2 uga badisay Inter.

Marka muuqaalka la daawado waxaa la arkayaa laacibka is tuur tuurka badan ee Juan Cuadrado oo lug dhex gashanaya labada lugood ee laacibka garab weerarka ah ee Perisic kaddibna is xooraya.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay fal-celin caalami ah oo ka baxsan xeebaha Talyaaniga.

Richard Mendez , oo ah weriye caan ah oo ka tirsan hilinka ESPN ayaa soo qoray tweet u dhignaa: “Rigooraha fadeexadda ah ee Juventus loo dhigay wuxuu ka mid yahay dhaca koox doonaysa inay aaddo Champions League. Guusha waa in loo qalmaa, si kastaba se  Juventus waxay ka mid tahay ”badbaadiyeyaasha kubadda” ee ku jirey European Super League.” ayuu ku kajamay.

Dhanka Spain, weriyaha Miguel Angel Roman oo ah Movistar + weriye ayaan warkiisa qar qarinin isagoo muujiyey sida uu uga yaqyaqsooday howsha Calvarese iyo Irrati oo u fadhiyey VAR:

“Arrinta Juventus-Inter caadi ma ahayn. Ma ogi inaan ciyaar ka faalleeyey iyo inay iska ahayd mala awaal la mid ah ‘Los Serrano’ (Spanish fiction, ed) . Ii sheega haddii ay runtii tani dhacday. Juventus waa la badbaadiyey, balse garsoorayaashu waxay ka mid ahaayeen kuwii…. Ma aqaan, adigu go’aami. Waan akhrinayaa.” ayuu yiri.

Dad badan ayaa muujiyey inuu walaacu intan kasii badnaan lahaa haddii kulankii shalaytoole uu ku xirnaan lahaa aayaha Scudetto oo ay middood qaadi lahayd labada kooxood ee Juve iyo Inter ee uu garsooruhu sidan u dhaqmo.

Calvarese ayaa VAR u ordayey mar kasta oo ay dani ugu jirto Juventus, balse diidey markii uu dhigayey rigooraha muranka dhaliyey, taasoo ay dad badani u fahmeen qorshe u degsanaa, waloow ay Juve lafteedu wax ka sheeganayso ma jirin wax u dhigma rigooraha Cuadrado.

Dadka rigoorahaas aad ula yaabay waxaa xitaa ka mid ah halyeeygii Juventus Alesandro Del Piero oo sheegay in aanu jirin wax rigoore ah oo meesha yaalla, sidaa darteed Calvarese sharraxaad looga baahan yahay.

 

Hadalsame Media