Masar oo qaadday tillaabo ay ka dhigayso mid caawinaysa Marinka Gaza balse ay ka caroonayaan dad badan

0

(Qaahira) 16 Maajo 2021 – Masar ayaa furtay xadka Rafax oo ah halka ay uga dheggan tahay Marinka Gaza maanta oo Sabti ah si ay ilaa 10 aambalaas oo dhaawac daran sida ugu ogolaato in lagu soo dabiibo gudaha Masar.

Masar waxay “si aan joogto ahayn u furaysaa xadka Rafax si ay usoo gudbaan 10 dhoolli oo Masar laga soo diray kuwaasoo Marinka Gaza ka qaadaya dhaawacyo Falastiini ah oo lagu soo dawaynayo Masar.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dhanka caafimaadka.

Sababta loo adeegsadey in si gaar ah loo furayo ayaa salka ku haysa xaqiiqada ah in ay meeshani mar kasta xiran tahay xitaa maalmaha Ciidaha Islaamka, iyadoo sidaa Masar ku noqonayso dalka 2-aad ee go’doominaya Marinka Gaza marka laga soo tago Israel oo dhulkoodii qaadatay.

Masar oo ah dalka leh ciidanka Carbeeed ee ugu ballaaran, ayaan gurmad siyaasadeed iyo mid ciidan u samayn dadka Gaza oo ilaa haatan laga diley dad ka badan 140 qofood oo ay 40 ka badani carruur yihiin tan iyo Isniintii oo duqayn lagu wadey Marinka Gaza, halka Daanta Galbeed ay 13 kale ku dhinteen. 950 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

Hadalsame Media