QM oo Somalia ku qabanaysa carwo nooc cusub ah oo ay dad badani ka faa’iidaysan karaan (Guji mareegahan oo is qor)

0
James Swan, the new UN Secretary-General's Special Representative for Somalia, inspects a parade mounted by the United Nations Guard Unit upon arrival at Aden Abdulle International Airport, Mogadishu, Somalia, on 25 June 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 16 Maajo 2021 – Qaybta Khayraadka Dadwaynah ee QM Somalia ayaa qaban doonta carwo 2-maalmood ah oo lagu soo bandhigayo mihnadda qofka inta u dhaxaysa Maajo 19ka-20ka 2021. Carwada ayaa fursad u noqon doonta dadka oo heli doona qaab ay ku ogaadaan sida ay QM shaqaalaha u qorato, dhaqanka, qiyamka la wadaago iyo kartida loo baahan yahay; iyo xogta guud ee la wadaago taasoo kordhin doonta fursadda ay dadka aqoonta leh ee Somalia ay mihnad ugu yeelan karaan QM.

Waxaa carwada kasoo qaybgeli doona hay’aadka QM oo dadka la wadaagaya agab, tas-hiilaad iyo taageero kale oo lagu raadsan karo shaqooyinka bannaan, geeddi socodka araajida iyo hab-raacyada, sidoo kale xogaha guud ee waraysiyada QM iyo qaababka xulashada loo maro.

Si aad isu diiwaan geliso, fadlan guji mareegtan hoose:

  • Si aad uga qayb gasho Carwada dhanka Khadka ah Arbacada, Maajo 19, 2021, 9:00 am, Aminta Bariga Afrika, iska diiwaan geli halkan
  • Si aad uga qayb gasho Carwada dhanka Khadka ah Khamiis, Maajo 20,2021, 9:00 am, Aminta Bariga Afrika, iska diiwaan geli halkan.

Hadalsame Media