Madaxwayne Ahuru Kenyatta oo lasoo gole joojin karo iyo sababta lagu haysto + Qareenno difaacay

0

(Nairobi) 16 Maajo 2021 – Qarreennada ayaa ka digaya in Kenyatta la soo gole joojin karo, maadaama ay Maxkamadda Sare ay MW Uhuru Kenyatta ku heshay dembi ah inuu Dastuurka jebiyey kaddib markii uu keenay hindisaha lagu dhisay BBI oo ay sharci darro ku xukuntay.

Khamiistii ayay ahayd markii MW Kenyatta lagu xukumay inuu jebiyey Cutubta 6-aad, gaar ahaan Qodobka 73(1)(a)(i), kaddib markii uu keenay qorshe uu asal ahaan muddo kororsi ku doonayey.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ayaa xukumay in Madaxwaynuhu uu ku fashilmay inuu xushmeeyo, sare u qaado isla markaana uu ilaaliyo Dastuurka Qaranka, taasoo ah howsha 1-aad ee Madaxwaynaha.

Qarreen Charles Kanjama ayaa sheegay in MW Kenyatta uu taagan yahay bar laga gole joojin karo, halka Mr Elias Mutuma, uu sheegay inuu raacsan yahay xukunka kasoo baxay 5-ta garsoore ee MS.

Yeelkeede, waxaa jira qareenno uu ka mid yahay Kibe Mungai, oo ku doodaya in Madaxwaynuhu uu daacad ahaa oo aanay jirin anshax jebin markii uu la imanayey hindisaha BBI si wax looga bedelo Dastuurka qaranka.

Qarreen Suiyanka Lempaa, ayaa isna tilmaamay inay adkaan doonto in Kenyatta la gole joojiyo maadaama uu Baarlamanku taageeray aragtida BBI.

“Yaa dhaqaajin kara? Waa senaariyo aad iskugu miliqsan.” ayuu yiri.