CIA-da Maraykanka oo lagu eedeeyey inay iyadu ka dambeeysey weerarkii lagu qaaday haamaha Colonial Pipline + Ujeedada laga lahaa

0

(Moscow) 15 Maajo 2021 – Weerarkii dhanka internet-ka ee lagu qaaday haamaha shidaalka ee Colonial Pipeline ee keentay inay shidaal xumo baahsani ku dhacdo Xeebta Bari ee Maraykanka, ayaa la sheegayaa inay howl ay qabteen isla Maraykanka laftoodu, sida ay ku doodayaan khubarada dhanka IT ee Ruushku.

Weerarkan oo dhulka dhigay kaabayaasha Colonial Pipeline kaddib markii la jabsaday, Natalya Kaspersky, oo ah khabiirad dhanka Software-ka iyo asaasaha shaybaarka Kaspersky Lab, kana mid ah haweenka ugu taajirsan Ruushka ayaa eed u jeedisey CIA-da.

Haweenaydan oo waraysi siisay RIA Novosti ayaa ku doodday in hay’adda Sirdoonka Dibedda ugu qaybsan Maraykanka ee CIA ay leedahay dagaalyahanno danabeed oo Internet-ka ka qoowlaysta iyagoo raad tiranaya.

Waxay sheegtay in kooxdaas CIA-da hoos tagta lagu magacaabo UMBRAGE, kuwaasoo horay loogu kashifay WikiLeaks sanaddii 2017-kii, markaasoo ay qaad qaadday saxaafadda Maraykanku.

Haweenaydan ayaa sheegtay in sababta tillaabadan loo qaaday ay ahayd in Ruushka lagu eedeeyo inuu isagu ka dambeeyey weerarka lagu qaaday Colonial Pipline, iyadoo uu MW Maraykanka ee Joe Biden uu diidey inuu toos Ruushka u eedeeyo, balse wuxuu si cad u sheegay in burcadda weerarka danabeed soo qaadday ay ku sugan yihiin Ruushka.

Hadalsame Media