Wasiir Dubbe oo ka hadlay hal dhaqan oo uu sheegay inuu si aad ah u dhibsaday!

0

(London) 15 Maajo 2021 – Wasiirka Warfaafinta DF Somalia, Cismaan Abokar Dubbe, ayaa ka hadlay arrin uu si aad ah u dhibsaday oo ku aaddan in wararka uu soo saaro loola dhaqmo sidii inay yihiin go’aankiisa shakhsiga ah.

Wasiir Dubbe oo la hadlayey Hadalsame Media ayaa ku dooday in marka uu Wasiir war soo saaro aanu ka hadlaynin ra’yiga qof gaar ah, balse uu soo bandhigayo go’aan dowladi u dhan tahay, sidaa darteed, ay khalad tahay in isaga si gaar ah loo beegsado.

”Marka aan War Saxaafadeed akhriyo anigu waxaan sheegayaa go’aankii ay XF isku raacday, balse ka hadli maayo dan ii gaar ah,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo u warramaya Hadalsame Media.

Wasiirka ayaa sheegay in inta badan ay dhibaatadu ka joogto wacyiga dadwaynaha badankood oo aan weli si saaxi ah ula qabsanin habka ay dowladuhu u shaqeeyaan ama howlohooda kala geddisan u gutaan madaxdu.

”Haddii lacalla xil la iiga dhiibo QM, waxaan dabcan ku shaqaynayaa siyaasadda u degsan QM, balse marka aan doonayo inaan ra’yi ii gaar ah soo bandhigo waa inaan bannaanka ka istaagaa ururka oo dhan.” ayuu daba dhigay Wasiirku.

Wasiir Dubbe ayaa haatan ku sugan dalka Ingiriiska wuxuuna sheegay inuu dhaqse dalka ugu laabanayo si loo ambaqaado shirka uu RW Rooble iclaamiyey 20-ka bishan Maajo oo ay haatan 5 maalmood ka harsan yihiin.

Hadalsame Media