”Fadlan iigu dara 10 daqiiqo!” – Dhismihii ay deganaayeen Al Jazeera & AP oo dhulka la dhigay & arrin cabsi leh oo ka dhacday (Daawo)

0

(Gaza) 15 Maajo 2021 – Ciidamada gumaysiga Israeli ayaa burburiyey dabaq 10-biyaano ah oo ay ku yaalleen saldhigyada warbaahinta Associated Press (AP) iyo Al-Jazeera ee Marinka Gaza.

Duqaynta dhismahan dhulka lagu dhigay ayaa yimid saacad kaddib markii dadwaynaha loosii sheegay inay ka cararaan gurigaasi, iyadoo ay shaqaalaha AP iyo Al Jazeera ay halhaleel goobta uga carareen markii loo digey.

Muuqaal laga sii daayey Al-Jazeera ayaa muujinaya dhismaha oo dhulka gelaya kaddib markii rukumada hoose gantaallo loo dhuftay, taasoo cirka ku toshay qaac, uuro iyo firir waawayn.

Jawad Mehdi, oo ah milkiilaha dabaqan oo la yiraahdo Jala Tower, ayaa sheegay inay lasoo xiriireen Sirdoonka Israel oo u sheegay inuu haysto saacad uu dadka meesha deggan uga daad gureeyo, iyadoo la arkayey isaga oo ku baryootamaya ”fadlan iigu dara 10 daqiiqo.”

Arrintan ayaa aad uga soo horjeedda Xeerka Caalamiga ah iyo Xuquuqda Aadanaha, iyadoo ay QM arrintan ka aamusan tahay amaba ay uga hadlayso sidii ay faltamayaan laba cududood oo isu dhigma.

Hadalsame Media