WARBIXIN: Yaa CL usoo bixi kara kooxaha AC Milan, Juve, Atalanta & Napoli oo 3 boos isku haya? (Arag safafka Juve-Inter ee caawa)

0

(Roma) 15 Maajo 2021 – Maanta & berri waxaa la dheelayaa Horyaalka Talyaaniga iyadoo il gaar ah lagu hayo kulamada kooxaha AC Milan, Juve, Atalanta iyo Napoli, Lazio ayaa iyaduna weli rajo le xisaab ahaan.

Kooxda Juventus ayaa ugu rajo liidata maadaama ay ka wada fiican yihiin 3-da kale oo uga roon dhanka kulamada ay yeesheen (head to head) oo wax go’aamin doona haddii lacalla ay isku dhibco noqdaan, balse waxaa jira caqabado kale.

Kooxaha Atalanta iyo AC Milan ayaa haddii ay ka kala badiyaan kooxaha ay wajahayaan –  Genoa iyo Cagliari sida ay u kala horreeyaan – si rasmi ah ugu soo bixi doona tartanka CL, maadaama ay labaduba Juventus ku dhaafayaan kulamada ay lasoo dheeleen.

Taasi waxay Bianconeri qoorta u suraysaa Napoli, balse kahor ayay taasina dhamaan kartaa.

Haddii Juventus ay maanta ka badin waydo Inter, Napoli waxay kaliya u baahan doontaa inay ka badiso Fiorentina berritoole, iyadoo sidaa ugu soo bixi doonta Champions League.

Dhanka kale, Juventus iyo Napoli ayaa iskaga eg dhanka kulamadii ay dheeleen (head to head), sidaa darteed, haddii ay lacalla isku dhibco noqdaan waxaa lagu kala saarayaa farqiga goolasha sida uu qabo xeerka Talyaanigu.

Yeelkeede, Napoli ayaa 8 gool oo nadiif ah ka sarreeysa Juve, sidaa darteed, aad bay u adag tahay inay Juve soo qabato, iyadoo ay Partenopei leedahay farqi gool oo ah +43, halka Old Lady ay marayso +35.

Ha yeeshee, Milan ayaa geli karta dood, haddii lacalla la garaaco Atalanta iyaduna ay ka badiso Cagliari markaasoo aysan guushu xitaa ku fillaan dooni, waayo haddii ay badiyaan Juve iyo Napoli, wuxuu taxu noqonayaa: Milan 78; Napoli 76; Juventus iyo Atalanta 75.

Haddii markaasi kulanka harsan ay Napoli garaacdo Verona oo Juventus ka badiso Bologna, kulanka Atalanta-Milan wuxuu noqonayaa mid kala bax ah (real play-off), kaasoo ay Rossoneri u baahan doonto inay ka hesho ugu yaraan barbarro, si ay usoo baxdo, haddii laga badiyana waa ku daysey.

Dhanka kale, waxaa fiidkii ballansan kooxaha Juventus iyo Inter Milan oo ka mid ah kulamada ugu adag Talyaaniga, welibana si gaar ah isha loogu hayo caawa maadaama ay ku xiran tahay nolosha Juve ee CL.

Hoos ka eeg safafkooda suurtagal ah:

AAN LA HELI KARIN

  • FRABOTTA
  • KOLAROV
  • VIDAL
  • SANCHEZ
GANAAXAN

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media