DAAWO: Israel oo ujeeddo aad u wayn ka lahayd laba dhisme oo ay dhulka la sintay bilowgii duqaymaha Gaza (Ogow sababta & arrin ay samaysay)

0

(Gaza) 15 Maajo 2021 – Israel ayaa duqaymihii bilowga ahaa ku burburisey laba dabaq oo dhaadheer oo ku yaalla Marinka Gaza kuwaasoo ay deganaayeen ilaa 20 hay’adood oo warbaahineed, si aysan u tebinin dembiyada dagaal ee ay ka geleeyso Falastiin.

Israel ayaa dhulka dhigtay guri 10-dabaq ah oo la yiraahdo Al-Jawhara Tower, halka ay maalintii xigteyna ay rukumada gantaalo uga jartay mid kale oo 14-dabaq ah oo ah Al-Shorouk Tower, labada guriba waa u digtey dadkii deganaa si ay uga cararaan kahor inta aanay dhulka la simin.

Ujeedka Israel ayaa ahaa in aysan hay’aadkaa warfaafintu soo tebinin weerarka ay ku qaadday Gaza oo awalba go’doonsanayd.

War kasoo baxay Xiriirka Caalamiga ah ee International Federation of Journalists (IFJ) ayaa lagu cambaareeyey falkan iyagoo sheegay in Al-Jawhara ay deganaayeen ugu yaraan 13 warbaahinood iyo NGO-yo, halka dabaqa kale ee Al-Shorouk ay xafiisyo ku lahaayeen 7 kale.

IFJ ayaa sheegtay inay wax lagu qoslo tahay in Israel ay usoo dirto E-mail ay ku sheegayso inay raacday ”Xeerka Caalamiga ah”, iyadoo ku doodaysa in dabaqyadaas ay deganaayeen sirdoonka Xamaar sidoo kalena ay ku yaalleen xafiisyo ciidan iyo kaabayaal isgaarsiineed oo ay adeegsanayeen.

Israel ayaa horay dhismayaashaasi u duqaysay dhamaanba intii jeer ee ugu dambeeysey ee ay weerartay Gaza sida 2009, 2012, iyo 2014, waloow markan oo ah 2021 ay wada dumisey.

Hadalsame Media